Tony Baldry oo ahaa wasiirkii hore ee kaluumeysiga dalka ingiriiska ayaa waxaa uu qaramada midoobe ku eedeeyey in ay dhiiri galinayaan kooxaha burcad badeeda soomaalida ee wali ay jirto qatartii caalamiga aheyd ee kooxahaasi.
Tony Baldry ayaa waxaa uu sicad u sheegay in hanaanka ay qaramada midoobe ku ansaxisay in ciidan ajanabi ah loo diro xeebaha soomaaliya ay tahay nidaam qaldan oo dhiiri galinaya in ay dib soo noqdaan mar kale awoodii kooxaha burcad badeeda soomaalida.
Horay ayaa wasiirkaan hore ee kaluumeysiga dalka UK ay qaramada midoobe isagana ugu eedeeysay in shirkad kaluumeysi oo isaga lahaa ay hishiis sharci dara ahaa la gaartay maamulka soomaaliland ee dalka somaaliya.
Tony Baldry ayaa beeniyey waqtigaasi eedeenta golaha amaanka ee qaramada midoobe isagoona ugu jawaabay in maamulkaasi iyo shirkadiisa ay wada saxiixdeen 10 sano oo hishiis ah.
qaramada midoobe ayaa ogolaatay ciidamada shisheeye ee jooga xeebaha soomaaliya, inkastoo burcad badeeda ay dhoor jeer sheegeen in ciidankaasi aysan la dagaalamin burcad badeed oo ay jilaabtaan qeyraadka badeena ku jira.

