Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo Xukuno ku Ridey Dadkii Ka Dambeeyay Dilkii Wariye Hindiyo

0

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta Xukuno dil iyo xabsi waqti dheer ah ku ridey eedeysanayaal loo heystay dilkii wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo dhawaan qarax loogu xiray Gaari ay wadatay.

Edeysanayaasha maanta marka Labaad la xukumay ayaa kala ahaa C/risaaq Maxamed Barow,  Xasan Nuur Cali Faarax,  Macalin Maxamed Abuukar  Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, Cali Xasan Aadan.

C/risaaq Maxamed Barow ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaliya ay ku Xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay in uu ahaa shaqsigii gaariga qaraxa ugu xiray wariye Hindiya Xaaji Maxamed Balse waxa uu racfaan u gudbiyay Maxkamada Sare ee dalka.

Balse Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya  ayaa maanta xukun dil ah waxa ay ku riddey Mar kale C/risaaq Maxamed Barow oo horey loogu xukumay Xukun dil ah.

Gudoomiyaha Maxkamada sare Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Liibaan Cali yarrow ayaa warbaahinta u aqriyay xukunta ay Maxkamada sare  ay ku ridey eedeysanayaasha loo heystay dilkii wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka Tirsaneed warbaahinta dowlada soomaliya.

Qaabka uu Xukunka u Dhacay

C/risaaq Maxamed Barow oo 28 jir ah islamarkaana ahaa Shaqsigii Gaariga Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed ugu  xiray Qaraxa iyo  Xasan Nuur Cali Faarax  oo 37  islamarkaana gacan ka geystay Dilka Hindiyo Maxkamada Sare ee dalka ayaa  ku xukuntay Dil Toogasho ah.

Eedeysanayaasha Maanta la Xukuntay  waxaa Kamid ahaa Macalin Maxamed Abuukar iyo Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere ,waxayna Maxkamada sare ee dalka ay ku Xukuntay Xabsi Daa’im.

Cali Xasan Aadan oo kamid ahaa Eedeysaneyaashii Maxkamadda Darajada Koowaad ay Xukuntay Racfaankana ka qaatay Xukunkii hore ayay Maxkamada sare ee dalka ay ku Xukumay 15 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here