Dowlada Kenya ayaa guulo ka sheegatay dagaal Xoogan ay al-shabaab kula galeen inta u dhaxeysa deeganada Afmadoow iyo Dhoobleey ee Gobolka Jubadda hoose.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Kenya oo lagu magacaabo David Obonyo, ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka dileen 21 Askari sidoo kalena ay ka qaateen Hub gaarayay 19 Qori oo nooca fudud ah, .wuxuuna Tilmaamay in ay wali goobta ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom ee Soomaliya.
“Waxaan Dilnay 21-askari oo ka Tirsanaa al-shabaab kadib markii ay weerar gaadmo ah nagu soo qaadeen ayuu yiri David Obonyo,
Sidoo kale Afhayeenka u hadlay Ciidanka Kenya ee lagu magacaabo David Obonyo waxa uu sheegay in dagaalka ay kaga dhinteen Labo Askar ,5 kalena ay kaga dhaawacmeen islamarkaana lagu dabiibayo Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Afmadow .
Al-shabaab oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in ay dileen 12-askari oo ka Tirsanaa ciidamada kenya.

