Wararka Haatan Naga soo Gaaraya deegaanka Garacad ee Gobolka mudug ayaa sheegaya In uu haatan ka bilowday dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa al-shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday deegaan lagu magacaabo Tog dheere oo u dhaxeeya deegaanada Mareer & Garacad ee Gobolka Mudug waxaana deegaanka weeraray sida aynu wararka ku halayno ciidamada Maamulka Puntland,
Deegaanka Lagu dagaalamayo waxaa haatan Laga Maqlayaa Hubka Nocyadiisa kala duwan oo ay isweedaarsanayaan ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa al-shabaab oo la sheegay in ay ku sugnaayeen deegaanka Tog dheere.
Maamulka Puntland ayaa sheegay In uu bilaaban doono wajiga Labaad ee dagaalka xeebaha deegaada Maamulka Puntland loogu saarayo al-shabaab.

