Qoys kasoo jeeda dalka Vietnam ayaa dowlada soomaliya iyo beesha caalamka ka codsaday in laga gacan siiyo sidii loosoo deyn lahaa wiilal ay dhaleen oo ay afdubteen kooxaha burcad badeeda sooamlida.
Nguyen Van Ha, Nguyen Van Xuan, oo 35-jir ah, iyo Phan Xuan Phuong, oo 27-sano jir ah, ayaa kamid ahaa 26-shaqaale oo la socday dooni ay qabsadeen kooxaha burcad badeeda soomalida bishii May sanadkii 2012-kii,
Nguyen Thi Thuy, waa hooyo dhashay wiil ay afduubteen kooxaha burcad badeeda soomalida sanadkii 2012-kii waxay warbaahinta u sheegtay in wiilkeeda uu taleefan kula soo xiriiray uuna u sheegay in laga rabo lacag gaareysa $60,000 hadii la heli waayana la dili doono.
“Wiilkayga Numberka Gurigeyga masoo wicin 3-dii sano aynu soo dhaafnay ma ogi in uu haatan wali noolyahay ayay u sheegtay hooyo Nguyen Thi Thuy majalada kasoo baxda dalka Vietnam VnExpress.
Hooyo Nguyen Thi Thuy waxa ay Tilmaatay in shirkada uu ka shaqeynayay wiilkeeda ay kala hadashay lacagaha laga doonaayo wiilkeeda balse ay mas’uuliyiinta shirkada ay ku wargaliyeen in aysan bixin Karin lacagaha laga rabo wiilkeeda.
“Dowlada soomaliya waxaa ka codsanayaa in ay ka qeyb qaadato soo deysmada wiilkayga ayay hadalkeeda kusoo gaba-gabeysay Hooyo Nguyen Thi Thuy.

