Shirkada LG ayaa shaacisay in dhamaadka bishan maarso gaar ahaan maalinta 31 ee soo bandhigi doonto taleefan cusub oo dunida ay kusoo kordhisay shirkadan magaca talefankan ayaana lagu sheegay G5
Shirkadan ayaana ka rumeyneysa hamigeeda ah inay noqoto shirkada ugu wax soo saarka badan dhanka tignoolajiyada sanadkaan 2016 dhawaan ayeyna ahayd markii magaalada Barcelona ee dalka spain lagu soo bandhigay taleefan ay soo saartay shirkadan oo ahaa mid ay ka heleyn dadkii kasoo qeyb galay bandhigii lagu soo mujinayey taleefankan waxa uuna uga duwana taleefanada kale isaga oo lahaa goob si gooni ah looga xukumo camerada oo loo yaqaano cam plus
Shirkada samsun oo ay hal wadan kasoo wada jeedaan shirkada LG ayaa iyadana wada hormaro dhanka taleefanada ah waxeyna soo saartay dhawaan calasic S7 iyo calasic S7iidji
Labadan shirkadood waxa laga wada leeyahy wadanka kuuriyada koonfureed waxaana ay tartan xoog leh kula jiraan shirkado ay kamid tahay apple oo laga leeyahay mareykanka
Taleefanka ayaa culeyskii yahay 159g iyadoona dhirirkiisu yahay 7.7m waxa uuna leeyahay camera awood badan oo 16 baskal ah
31-march-2016 ayaana la rajeenayaa in telkan uu soo galo suuqyada caalamka isaga oo aan wali la shaacin lacagta suuqyada uu kusoo galayo

