Ciidamada Al-shabaab ayaa Galabta weerar culus Ku qaaday kolonyo Gaadiid oo ay la socdeen Ciidamada Kenya oo marayay inta u dhaxeeyso deegaanada Qooqaani iyo Af-madoow Ee Goboka Jubadda hoose .
Sarkaal u hadlay xarakada Al-shabaab ayaa warbaahinta al-shabaab u sheegay in ciidamo badan ay Kenya ka dileen qaarna nolosha ay Ku qabteen gaadiidna ay kaga gubeen weerarka gaadmada ahaa dhawaan ay soo bandhigi doonaan ciidamada ay ka qabteen kenya.
Dhanka kale Wali wax war ah kama soo bixin dhanka Dowlada Kenya ay kaga Hadlayso weerarka gaadmo ah ee lagu qaaday Ciidamada ka Tirsan kuwa Kenya.

