Maamulka Puntland ayaa wada dadaalada uu kaga Hortago in loogu gurmado Al Shabaab, ee toddobaadkii hore gudaha u galay deegaankaToga Suuj ee Gobolka Nugaal.
Wadooyinka soo gala deegaanka Toga Suuj ee Gobolka Nugaal ayaa la tilmaamayaa in la dhigay ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Puntand si ay kaga hortagaan gurmad al-shabaab kaga yimaada dhanka deeganada Kale.
C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey), Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, ayaa Ciidamada Puntland ku ammaanay sida wanaagsan, ee ay kaga hortaggeen in loogu soo gurmado Ciidamada Al Shabaab. Ee ku sugan deeganada xeebta ee Maamulka Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey), wuxuu kaloo sheegay in Shabaabka ku sugan Toga Suuj uu gabaabsi ka yahay saadka iyo hubka ay haystaan, isla-markaana ay u muuqdaan kuwo aan dagaalka sii wadi karin.
Wararka caawa laga Helayo deegaankada Toga Suuj ayaa Tilmaamaya in ciidamada al-shabaab ay ka baxeen deegaankaas waxaana deegankaas haatan ku sugan ciidamada Maamulka Puntland.

