Warar rasmi ah oo laga helayo dalka turkiga ayaa ku waramaya in qarax xoogan uu ka dhacay wadada istiklal oo u dhaw fagaaraha taksim ee magaalada Istanbul ee dalka turkiga.
Ugu yaraan 4-ruux ayaa ku dhimatay 2 ruux oo kalane qaraxaan dhaawac ayaa kasoo gaaray sida warar hor dhac ah ay sheegayaan oo laga helayo Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga.
Lama oga in qaraxa uu yahay ismiidaamin iyo in kale iyo cida ka dambeysa balse isbuucii hore ayey aheyd markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Ankara oo ay masuuliyadiisa sheegteen kooxda PKK ee kurdiyiinta turkiga .waxaana qaraxaasi ku dhintay in ka badan 30 ruux.

