Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya goobihii lagala wareegay ciidamada xarakada al-shabaab ee xeebaha deeganada Maamulka Puntland
Maamulka Puntland waxa uu sheegay in xarakada al-shabaab ay ka dileen ku dhawaad 60-askari oo kamid ah ahaa ciidamadii weerarka kasoo qaaday deeganada Maamulka Puntland .
Janaraal Muxiyadiin oo kamid ah saraakiisha Hogaaminaysa dagaalka ciidamada Maamulka Puntland ayaa sheegay in askar kale oo ka tirsan al-shabaab ay ku harsan yihiin gododka xeebaha deeganada maamulka Puntland balse ay ugu baaqayaan in ay isa soo dhiibaan,
Wuxuu Janaraal Muxiyadiin waxa uu Tilmaamay in ciidamada Maamulka Puntland aysan saacad ku qaadanayn in halka God ay kusoo koobmeen al-shabaab ay ka takhalusaan,hasa yeeshe ay doonayaan in dhankooda uusan khasaaro soo gaarin.
Dhanka kale waxaa saakay xabado goos-goos ah laga maqlayaa goobihiin ay isku hor fadhiyeen ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Xarakada al-shabaab oo dhawaan gaaray xeebaha deeganada Maamulka Puntland.

