Wararka caawa Naga soo Gaaraya deegaano hoos yimaada Gobolka Nugaal ayaa ku waramaya in maanta ay ka dhaceen dagaalo goos-goos ahaa oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Xarakada al-shabaab.
Dad ku sugan deegaano hoos yimaada Gobolka Nugaal ayaa warbaahinta u sheegay in saakay aroortii ciidamada maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen goobo kale oo ay ku sugnaayeen ciidamada al-shabaab oo dhawaan la wareegay deegaano ka Tirsan Gobolka Nugaal.
Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Puntland oo warbaahinta dhankooda la hadlay ayaa sheegay in ku dhawaad 20-askari laga dilay ciidamada al-shabaab kadib weerar lagu qaaday Goob ay ku sugnaayeen.
Dhanka kale dowlada soomaliya ayaa maanta gaarsiisay Maamulka Puntland Hub iyo Saanado military ay ugu talagashay in ay kula dagaalamo al-shabaab-ka ku sugan deegaanada xeebta Puntland.

