Cali Dheere:- Hoteelada Muqdisho Waxa ay isu Badaleen Xarumihii Wasaaradaha Dowladda iyo Safaaradaha

0

Afhayeenka Guud ee Al Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), oo u waramayay warbaahinta ku hadasha afka al-shabaab ayaa ka hadlay sabaha ay al-shabaab u weeraraan Hoteelada ku yaala Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya.

Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Al Shabaab ayaa sheegay in hoteelada ku yaala Magaalada Muqdisho ay isu bedeleen Xarumihii Wasaaradaha Dowladda iyo Safaaradaha Wadamada Caalamka, ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho. Taasina ay keentay in weeraro joogto ah ay ku qaadaan.

Afhayeenka Guud ee Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), waxa uu sheegay in goobaha Hoteelada ku yaala Magaalada Muqdisho in loo ilaaliyo sida loo ilaaliyo xarunta Madaxtooyada villa Soomaliya balse aysan joojin dooni weerarada ay ku qaadaan.

“Waxa aan weerari doonaa Goobaha ay ku sugan yihiin cadowga ayuu yiri Afhayeenka Guud ee Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere),

Ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab ayaa sanadihii dambe weeraro qasaaro badan dhaliyay ku qaaday qaar kamid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here