Waxaa maanta Magaalada Nyon ee dalka Swizerland lagu sameeyay isku aadka ciyaaraha Champions League wareega 8-deeda koox.
Kooxda difaacanaysa koobkaan ee Barcelona ayaa ku beegmantay kooxda ay isku horyaalka yihiiin ee Atheltic Madrid halka kooxda ugu badan ee ku guuleysatay koobkaan ay ku aaday kooxda dalka Germany ee Wolfsburg.
Dhanka kale kooxda hogaaminaysa horyaalka dalka Germany ee Beyer Munich ayaa ku aaday hogaaminayaasha horyaalka dalka Porutgal ee Fc Benfica waana kulan xiiso badan madaama Beyer Munich ay soo reebtay kooxda Juventus.
Kooxdii dhawaan ku guuleystay koobka Horyaalka dalka France ee Paris Saint-Germain ayaa ku aaday kooxda dalka Ingiriiska matalaysa ee Manchester City.

