Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay lagu soo gaba-gabeeyay shirkii loogu hadlaayay dib u eegista qaar ka mid ah Qodobo Ku jira Dastuurka Qaranka Soomaaliya oo dhawaan Magaaladaas ka Furmay.
Shirka waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekuna Maye. Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen a. iyo dad ka socoday ururada Bulshada rayidka koonfur Galbeed soomaliya.
Ugu horeyntii wasiirka wasaarada dastuurka iyo dib u heshisiinta Koofur galbeed Maxamed Nuur Caraale oo shirka ka Hadlay ayaa kaga mahaceliyay dowlada dhexe ee soomaliya sida ay ugu soo bandhigtay dastuurka dadka ku nool deeganada Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaarada Dastuurka Dawlada Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen oo gaba-gabada shirka ka hadlay ayaa ku aamanay shacabka ku nool deeganada koonfur Galbeed soomaliya sida ay ugu go’an tahay helida dastuur dhameystiran oo dalka Lagu dhaqo.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamanka maamulka Koofur Galbeed Soomaliya C/Qaadir Shariif Sheekkuna Maye ayaa Wasaarada Dastuurka Dawlada Soomaaliya ku amaaney Dadaalka ay ugu jirto in la helo dasrtuur dhameystiran.






