Raisulwasaaraha Dowlada Soomaliya Cumar C/rashiid oo ka Qeyb Gali doono shir ka dhici doona Magaalada Brussels

0

Raisulwasaaraha dowlada soomaliya Mudane Cumar c/rashiid Cali Sharmarke ayaa ka qeyb Gali doono shir weyne ka dhici doono Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belguimka.

Shirka ayaa la sheegay in si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen midowga Yurub iyo Hey’adda qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan  ee Marka magaceeda lasoo Gaabiyo loo yaqaano UNHCR.

Waxaa la sheegay in shirka loogu Hadli doono ballan-qaadyadii   midowga Yurub ay horrey ugu ballan qaadeen Soomaaliya  kuwaasi oo loogu Talagalay sidii loogu caawin lahaa qaxootiga doonaya in dalka ay dib ugu soo laabtaan

Shirkaan ka dhici doono Magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belguim-ka waxaa sidoo kale kasoo qeyb Gali doona  wasiirka arrimaha dibadda Kenya haweeneyda la yiraahda Aamina Maxamed, waxaa kaloo ka qeybgali doona mas’uuliyiin ka socda waddamada Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda  iyo Yemen.

Dhanka kale hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in ay sii Yaraadeen Lacagihii ay bixin jireen wadamada Midowga Yurub ee loogu Talagalay in lagu caawiyo qaxootiga soomaliyeed

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here