Deg:Deg:-Kooxo Hubeysay oo dil iyo dhaawac ka geystay Degmada Howlwadaag.

0

Wararka laga helayo degmada Howlwadaag gaar ahan inta u dhaxaysa Isgoyska degmadaas iyo shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo Bastoolado wata ay laba ruux ay dil iyo dhaawac ugu geysteen halkaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan qaarkood in ruux ka mid ah labadii ruux ee la weeraray uu geeriyooday halka kii kalana dhaawac uu soo gaaray isbitaalna loo qaaday  sida goobjoogayaal ku sugan goobtaas ay u sheegeen Idaacadda Simba ee Muqdisho,halka Wararka qaarna ay sheegayaan inuu uu baxsaday qofkii kale,

Intaa ka dib kooxihii dilka geystay ayaa goobta falka ay ka geysteen isaga baxsaday,kuwaasi oo aan la garan ujeedka ay dilka u geysteen.

Ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan oo  fariisin ku lahaa goobta uu falku ka dhacay ayaa gaaray iyagoona rasaas ku kala cayriyey dadkii isugusoo xoomay goobta dilka iyo dhaawacu ka dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaynan ku cusbayn in kooxo hubaysan oo aan la aqoonsan ay toogasho u geystaan dad rayid ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here