Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan jirin Cid si gaara loogu nisbaynayo in ay ka dambeyso dagaalka Shabaab ku qaadeen Puntland.

0

Raiisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ka hadlay arimaha la xariira dagaalka ay ciidamada ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirtin cid si rasmi ah loo dhihikaro way ku lug leedahay dagaalkaasi iyo waliba abaabulkiisa intaba.

Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay Maamulka Puntland iyo waliba cid kasta oo la dagaalamaysa Al-shabaab si loo wiiqo awoodda Milatari ee Shabaabku ay ku leeyihiin guud ahaan dalka Soomaaliya,Ciidamada Booliska,Milatariga iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin in kala shaqeeyaan Maamulka Puntland in ay ciribtiraan Al-shabaabka weeraray deegaanada Maamulkaasi.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka suurtoobin wararka sheegayo in ay hubayso Al-shabaabka Weeraray Xeebaha Maamulka Puntland,isagoo intaa ku daray ka dowlad ahaan ay diyaar la yihiin wax kasta oo suuragalinaya in Al-shabaab laga saaro Soomaaliya.

Deegaanno dhaca dhinaca xeebta ee gobolada Mudug iyo Nugaal oo uu wada maamulo Maamulka Puntland ayaa waxaa habeenno ka hor weerar dhar jiho ah ku qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in ay ka tageen Koonfurta Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here