Raisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Talyaaniga.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa kusoo dhaweeyay dalka talyaaniga Madaxda safaarada soomaliya ee dalka talyaaniga iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Talyaaniga.
Ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ah sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxda dalka Talyaaniga, kuwaasi oo uu kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa warbixino ka dhageystay madaxda safaarada soomalida ee dalka Talyaaniga iyo jaaliyada dalkaas kuwaasi oo ka warbixiyay xaaladaha soomalida ku dhaqan dalkaas.




