Taliska Amisom ee Soomaliya oo Sheegay in ay Bilaabi Doonaan Howlgallada ka Dhanka ah Al-Shabaab

0

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madax howlgalka AMISOM Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta AMSIOM ee Xalane ee Magalada Muqdisho ayaa ka hadlay howlgalada lagula wareegay deegaanada hoos yimaada Gobolka Shabeelaha dhexe.

Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Midowga africa ee  amisom ay ku guuleysteen in qaar kamid ah deeganada Shabeelaha dhexe ay ka saaraan Ciidamada al-shabaab oo muddo maamulayay deegaanadaas.

“Anaga iyo ciidanka Qaranka Soomaaliya waxaan gaarnay guulo la taaban karo howlgalkii aan ka sameynay magaalooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dib u sii riixnay Al-Shabaaab, waana sii wadaynaa ilaa ay ka dhameystirno ayuu yiri  Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Dhanka kale Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa sheegay go’aamadii kasoo baxay shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada djabuuti uu muhiimad gaar ah u leeyihiin howlgalka midowga Africa ee amisom.

Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa dhanka kale bogaadiyay wada-shaqeynta ka dhaxeysa ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom isagoo intaa ku daray in amniga uu yahay ahmiyadda koowaad ee dalka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here