Maamuka Puntland ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay qeyb weyn ku leedahay abaabulka dagaalka ay al-shabaab ku qaadeen deegaanada Maamulka Puntland.
Wasiirka amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo shir jaraa’id saxaafada u qabtay kadib shir ay yeeshteen Golaha wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in Puntland lagu colaadinayo go’aankii ay ka qaadatay nidaamka 4.5 islamarkaana ay dowladda soomaliya doonayso inay argagaxisada kusoo abaabusho deegaanada Maamulka Puntland.
Dhanka kale Wasiirka amniga puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in Puntland iyo shacabkeeda inay isku diyaarinayaan difaac ka dhan ah Alshabaab oo la wareegay saacadihii aynu soo dhaafanay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug haatana ku sugan tuulo xeebeedka Garmaal.
Hadalka kasoo yeeray Maamulka puntland ayaa kusoo beegmaya xili xalay ciidamo ka Tirsan kuwa xarakada al-shabaab ay la wareegeen deegaanka garacad ee Gobolka Mudug iyagoo ka yimid dhanka Badda deegaankaas.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo gaabiyay socdaal uu ku joogay dalka Mareyakanka isagoo saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Garoowe.

