Maxkamada sare ee dalka biljimka ayaa xukun 5 sano waxaa ay maanta ku xukuntay maxamed aadan tiiceey oo horay u ahaa madaxweynihii maamulka ximan iyo xeeb.
Tiiceey ayaa lagu eedeeyey in uu door muhiim ah ka qaatay howlaha burcad badeeda ay ku qafaalanayeen maraakiibta caalamiga ah intii uu xilka madaxweyne nimo hayey.
Waxaa kaloo xeer ilaaliyaasha maxkamada biljimka ay tiiceey ku heleen in lacagaha ay burcad badeeda u qaadan jireen madax furasha ahaanta in uu wax ku lahaa.
Maxamed aadan tiicay ayaa la qabtay sanadkii 2013-kii markii lagu casuumay filim cusub oo looga hadi rabay arrimaha burcad badeeda waxaana markii uu tagay magaalada baraasalis ee dalka biljimka lagu xiray xabsi halkaasi ku yaalo.
Shalay oo isniin aheyd ayaa maxkamada biljimka ay sidoo kale xukun ku riday maxamed cabdi xasan afweyne oo ka mid ahaa hogaamiyaashii burcad badeeda abuuray waxaana lagu xukumay xabsi dhan 20 sano.
Maxamed cabdi xasan afweyne iyo maxamed aadan tiiceey madaxweynihii hore ee maamulka ximan iyo xeeb ayaa wada socday xiligii lagu qabanayey dalka biljimka sanadkii 2013-kii.

