Afhayeenka Ciidamada Nabad Suggida Maamulka Jubbaland oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Maxamed (Carab) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgal qorshaysan ay sameeyeen ciidmada Juba-land in ay ku dileen nin Sarkaal ahaa oo Shabaab ka tirsanaa.
Axmed Maxamuud Maxamed (Carab) waxa uu sheegay in Ciidamada Juba-land ay Howlgal qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanka Shandarmood ee duleedka Magaalada Kismaayo ah, ayna ku dileen sarkaal ka tirsanaa al-shabaab oo lagu magacaabo jirey Bashiir Garweyne oo al-shabaab u qaabilsanaa dhanka ciidanka dhulka marar badana weerar kusoo qaaday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose.
Dhanka kale Ilaa hada wax war ah kama soo bixin dhanka al-shabaab ay kaga hadlayaan sheegashada maamulka Juba-land oo ku aadan in ay dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada al-shabaab.

