Ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada al-shabaab ayaa saacado ka hor la wareegay tuulo xeebeedka Garmaal oo 100km dhinaca bari kaga beegan degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.
Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada al-shabaab oo ka yimaaday dhanka deegaanka Garacad oo watay gaadiidka dagaalka oo aad u fara badan in ay la wareegeen tuulo xeebeedka Garmaal.
Al-shabaab oo xalay la wareegay deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa saakay isaga baxay deegaankaas waxayna gaareen tuulo xeebeedka Garmaal ee degmada Eyl.
Dhanka kale Ciidamada Puntland ayaa heegan buuxa la galiyay kadib markii al-shabaab ay la wareegeen tuulo xeebeedka Garmaal

