Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo xubno kale oo dowlada soomaliya ka Tirsan oo maalintii labaad ku sugan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa wali kulamo la leh Odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Hiiraan.
Odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo dhawaan shaaciyay in aysan la kulmi doonin wasiirka arimaha Gudaha ayaa xalay la sheegay in kulan waqti badan qaatay uu dhaxmaray odoyaasha iyo wasiirka kaasi oo diirada lagu saaray sidii odoyaasha gobolka Hiiraan ugu qeyb gali lahaayeen shirka ka furan Magaalada Jowhar.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo axadii aynu soo dhaafnay gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ujeedka safarkii uu ku aadanaa sidii mar kale loo qancin lahaa odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa waxay diideen inay Magaalada Jowhar kaga qaybgalaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Odayaasha qaarkood waxay ku adkeysanayaan in gogosha la dhigo Magaalada Baledweyne oo aanay marnaba taggi doonin Magaalada Jowhar oo shirka uu ka furan yahay,

