Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa habeenkii xalay ahaa shir deg deg ahaa waxa ay ku yeeshteen xarunta Madaxtooyada Puntland kaasi oo loogu hadlaayay Talaabadii maamulka al-shabaab ay kula wareegeen deegaanka Garacad.
Shirka Golaha Wasiirada Puntland, ayaa waxaa shir guddoominaayay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey. Waxaana inta badan shirka diirada lagu saaray taalabadii a-shabaab ay kula wareegeen deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug Iyo jawaabtii uu maamulka Puntland ka bixin lahaa.
Waxaa xalay illaa saakay go’an isgaarsiintii deegaanka Garacad ka jirtay iyadoona ay isaga barakaceen deegaanka dhammaan dadkii ku dhaqnaa, ka dib markii ay walaac ka muujiyeen la wareegitaanka al-shabaab oo xalay kasoo galay deegaanka dhanka xeebta.,

