Golaha Wasiirada Puntland oo Shir Deg Deg ahaa ka Yeeshtay la Wareegitaanka Al-shabaab Deegaanka Garacad

0

Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa habeenkii xalay ahaa shir deg deg ahaa waxa ay ku yeeshteen xarunta Madaxtooyada Puntland  kaasi oo loogu hadlaayay Talaabadii maamulka al-shabaab ay kula wareegeen deegaanka Garacad.

Shirka Golaha Wasiirada Puntland, ayaa waxaa shir guddoominaayay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey. Waxaana inta badan shirka diirada lagu saaray taalabadii a-shabaab ay kula wareegeen deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug Iyo  jawaabtii uu maamulka Puntland ka bixin lahaa.

Waxaa xalay illaa saakay go’an isgaarsiintii deegaanka Garacad ka jirtay iyadoona ay isaga barakaceen deegaanka dhammaan dadkii ku dhaqnaa,  ka dib markii ay walaac ka muujiyeen la wareegitaanka al-shabaab oo xalay kasoo galay deegaanka dhanka xeebta.,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here