Manuel Neuer oo iska Diiday u Dhaqaaqista Kooxaha dalka Ingiriiska

0

Goolhayaha kooxda Beyer Munich Manuel Neuer ayaa xaqiijiyay in uu ku qanacsan yahay Nolosha kooxda Beyer Munich isla markaana uusan xiiseenaynin u dhaqaaqista kooxaha Horyaalka dalka ingiriiska.

Manuel Neuer Goolhayaha heerka caalami ee xulka dalka Germany ayaa lala xiriirinaayaa kooxda Manchester City oo dhawaan heshiis la gaartay macalinka reer Spain ee Pep Guardiola oo haatan macalin u ah goolhayaha.

Goolhayahaan oo heshiiska uu kula jiro kooxdiisa uu dhacayo June 2019 ayaa meesha ka saaray wararka ku aadan u dhaqaaqista kooxaha Horyaalka dalka Ingiriiska oo dhawaan dalabyo usoo Gudbiyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here