Wararka ka imaanaya Degmada Luuq oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada dowlada soomaliya ay gacanta ku dhigeen Labo haween ah iyo Qamri ay wadeen.
Lix Kartoon oo Qamri ah ayaa la sheegay in ciidamada dowlada soomaliya ay qateen xili ay wateen labo haween ah kuwaasi oo gudaha u galyay Degmada Luuq oo ka tirsan Gobolka Gedo sida ay saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ay sheegeen.
Qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Degmada Luuq oo ka tirsan Gobolka Gedo oo sidoo kale warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qamrigaan laga keenay dhanka dalka Ethopia isla markaana si ganacsi ahaan losoo galiyay Gudaha degmada Luuq.
Barqanimadii maanta ayay ciidamada Booliska dowlada soomaliya ee Degmada Luuq oo ka tirsan Gobolka Gedo waxa ay ku gubeen fagaaro ku yaala Gudaha Degmadaas waxaana digniino loo jeediyay dadka ku lugta leh ka ganacsiga qamriga.

