Diyaarad dagaal oo Laga Leeyahay dalka Imaaraatka Carabta oo Lagu Waayey dalka Yeman

0

Hogaanka ugu sareeya ciidamada xooga dalka imaaraatka carabta ayaa maanta oo isniin ah shaaca ka qaaday in la waayey diyaarad dagaal oo laga  leeyahay dalkasi xili ay howl-gal ka waday wadanka yeman

Waa markii ugu horeysay oo diyaarad kamida diyaaradaha dagaalka imaaratka lagu wayo duqeymaha ay ka wadaan diyaaradaha xulafada carbeed dalka yeman tan iyo bishii maarso ee sanadkii tagay

Diyaarad laga leeyahay baxreyn oo ah nooca loo yaqaano f16 ayaa ku bur burtay xuduuda sucuudiga sababo lagu sheegay inay ciladowday bishii December ee sanadkii tagay

Halka diyaarad dagaal oo kale oo iyadana laga leeyahay maroco ay bur burtay xili ay duqeymo waday bishii may ee sanadkii tagay

Kooxda xuutiyiinta ayaana sheegtay inay soo rideen diyaarada maroco inkastoo xulafada ay arinkaa gaashaanka u daruureyn waxaana ay bur burka ku tilmaameyn mid cilad farsamo ku yimid

Imaaraadka carabta iyo sucuudiga ayaa ah labada dowladood ee ugu qasaaraha badan marka la eego qasaaraha kasoo gaaray dagaalada yeman ka socda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here