Wararka naga soo gaaraya degmada qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Howlgal laga sameeyay degmadaas lagu qabqabtay dhowr qof oo lagu tuhmaayo qaraxyo xalay ka dhacay Gudaha degmada qoryooley.
Maxamed Xaaji Cusmaan Gudoomiyaha degmada qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Howlgala inta badan lagu qab-qabtay dad ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ku tuhmayaan falal amni daro oo ka dhacay degmada qoryooley.
Gudoomiyaha degmada qoryooley waxa uu sheegay in dhawaan dadkaan la maxkamadeyn doono cidii dambi lagu waayo ayuu sheegay in la iska fasixi doono.
Xalay ayay aheyd markii qaraxyo loo adeegsaday bambada gacanta lagu tuuro lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya.

