Saraakiisha ugu Sar Sareysa Amisom oo Booqasho ku Tagay Deegaanadii Dhawaan Alshabaab Lagala Wareegay

0

Saraakiil ciidan oo ka socda Howgalka Amisom ayaa maanta waxaa ay booqasho ku gaareen deegaanka biyo cadde oo ka tirsan gobolka shabeelada dhexe oo dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.

Saraakiisha Amisom waxaa hor kacaya sii hayaha taliyaha Amisom  Mohammedesha Zeyinu waxaana ay  booqasha ku tageen saraakiishani  xeroyinka ciidanka Amisom iyo sidoo kale kuwa ciidamada soomaaliya.

Ku simaha Taliyaha ciidanka Amisom  ayaa ka hadlay deegaanada biyo cadde iyo ceel baraf waxaana uu sheegay in ay ciidanka Burundi ay Al-shabaab deegaanadaasi ka xoreeyeen.

Alshabaab aad ayay awoodoodii hoos ugu dhacday , ciidamada  Amisom iyo kuwa qaranka soomaaliya waxaa ay hoos u dhigeen qatartii kooxda ayuu yiri ku simaha taliyaha ciidanka Amisom Mohammedesha Zeyinu.

Dadka deegaanka biyo cadde aad ayey noo soo dhaweeyeen , waxaana ay noo xaqiijiyeen in ay ku farax san yihiin ciidanka amisom iyo kuwa soomaaliya ayuu yiri mar kale taliye Zeyinu.

Waxaa kaloo taliyaha ciidanka amisom uu booqasho ku tagay deegaano ka tirsan gobolka shabeelada hoose sida deegaanka leego oo ay fariiisin ku lee yihiin guutada 3aad ee ciidanka amisom iyo deegaanka balidoogle oo ay fariisin sidoo kale ku leeyihiin  guutada 1aad ee ciidanka Amisom.

Biyo cadde iyo ceel baraf oo kawada tirsan gobolka shabeelada dhexe ayaa dhawaan lagala wareegay ciidanka Al-shabaab oo muddo ku dhaw 8 sano maamulayey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here