Ku dhawaad 22 askari oo ciidanka dowlada ciraaq ka tirsan ayaa lagu dilay maanta dagaalo ka dhacay duleedka magaalada ramadi ee xarunta gobolka Anbar ee waqooyiga dalka ciraaq.
16 kale ayaa ku dhaawacan tay dagaalka dhex maray ciidanka ciraaq iyo kooxda daacish. oo maanta ka dhacay magaalada ramadi ee xarunta gobolka Anbar.
Daacish ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay tira badan oo askarta dowlada ah.
Dhamaadka sanadkii hore ee 2015 ayaa daacish laga saaray magaalada ramadi muddo 8 bilood ah oo ay maamulayeen.

