Dowlada Kuwait oo Sheegtay in Somaaliya ay ka Taageeri doonto la dagaalanka Al-Shabaab.

0

Wasiirka arrimaha dibada dalka soomaaliya Dr Cabdi Salaam Hadliye Cumar iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaya ayaa  gaaray dalka Kuwait isagoona kulamo muhiim ah la qaatay madaxda ugu sar sareysa ee dalka Kuwait.

Wasiir Dr cabdi salaam hadliye ayaa kulamo kula qaatay dalka Kuwait raisul wasaaraha dalkaasi Kuwait  sheikh Jaabir Al –mubaarak iyo ku xigeenka  reseal wasaaraha koobaad ee dalka Kuwait ahna sidoo kale wasiirka arrimaha dibada dalkaasi sheikh sabah Khalid Al-Hamad  Al-sabah.

Al-sabah oo ah wasiirka arrimaha dibada dalka Kuwait ayaa sheegay in Kuwait ay soomaaliya ka taageeri doonto dadaalada lagula dagaalamayo Alshabaab iyo in laga cirib tiro dalka soomaaliya.

sheikh sabah Khalid Al-Hamad  ayaa hadalkaan ka sheegay intii uu socday kulan uu la qaatay wasiirka arrimaha dibada soomaaliya  Dr cabdi salaam hadliye cumar kaasi oo ka dhacay galabta xafiiska wasaaradda arrimaha dibada.

Wasiirka arrimaha dibada ee soomaaliya Dr cabdi salaam hadliye ayaa isagana u mahad celiyey dowlada Kuwait  taageerada ay la garab taagan tahay dowlada soomaaliya iyo dadka soomaaliyeed, waxaana sidoo kale wasiirka dalka gacanka cadmeed  ku yaala ee Kuwait ku aamaanay marti galinta shirkii lagu qabtay dalka Kuwait ee waxbarashada soomaaliya looga hadlay sidii dalka looga taageeri lahaa.

Kulanka labada dhinac ee wasiirada Kuwait iyo soomaaliya ay ku yeesheen dalka Kuwait ayaa waxaa kala qeyb galay wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee arrimaha dibada dalalka carabta safiir cabdi rixiim Al daihani.

Dalka Kuwait ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka khaliijka carabta ee soomaaliya teegarada siiya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here