Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane C/rashiid Cali sharmarke ayaa maanta ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Taasi bedelkeeda, ayaa waxaa goor dhaweyd Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan gaaray wafdi uu horkacaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumada Somaliya. C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa),
Wafdiga wasiirka arrimaha Gudaha waxaa Garoonka Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay madaxda maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiil ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somaliya. C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Ayaa caawa kulamo kula leh Magaalada Beledweyne odoyaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan kaasi oo loogu hadlaayo sidii loo dar-dargalin lahaa shirka maamul u sameynta hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

