Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka qayb galay Munaasabad lagu Taageerayay Madaxweynaha Jabuuti.

0

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 13 March, 2016 waxaa uu ka qayb galay munaasabad lagu taageerayey Madaxweynaha  Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xilka Madaxtinimada  dalkaasi u tartami doona markii afraad.

Munaasabadda oo lagu qabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,   Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga  ee Puntland ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha  Puntland, Wasiirka Dastuurka  Puntland, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Wasiiradii hore ee Arrimaha gudaha  Puntland Cali Cabdi Awaare iyo Axmed Cabdi Xaabsade, masuuliyiin iyo dadweyne kale.

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Jabuuti iyo  Puntland uu ka dhexeeyo xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid wada shaqayneed oo qota dheer,  isla markaana ay  Jabuuti dhinacyo badan ka taageerto  Puntland oo ay ka mid yihiin dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ku tilmaamay Madaxweynaha Jabuuti shaqsi taariikhda Afrika meel wanaagsan kaga jira marka loo eego horumarada baaxadda leh ee uu ka fuliyey waddankiisa iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee uu ka hirgeliyey dalkiisa, isla markaana uu mudan yahay in lagu dhiiri geliyo markalena dib loogu doorto xilka Madaxtinimo ee dalkaasi.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ugu dambayntii sheegay in Puntland ay garab taagan tahay  Jabuuti iyo madaxweyneheedaba uuna ilaahay uga baryayo in uu markale ku guuleyo xilkaasi Madaxtinimo.

IMG_2242 IMG_2248 IMG_2252 IMG_2257 IMG_2260 IMG_2317 IMG_2302 IMG_2264

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here