Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 13 March, 2016 waxaa uu ka qayb galay munaasabad lagu taageerayey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xilka Madaxtinimada dalkaasi u tartami doona markii afraad.
Munaasabadda oo lagu qabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Puntland ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Wasiirka Dastuurka Puntland, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Wasiiradii hore ee Arrimaha gudaha Puntland Cali Cabdi Awaare iyo Axmed Cabdi Xaabsade, masuuliyiin iyo dadweyne kale.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Jabuuti iyo Puntland uu ka dhexeeyo xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid wada shaqayneed oo qota dheer, isla markaana ay Jabuuti dhinacyo badan ka taageerto Puntland oo ay ka mid yihiin dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ku tilmaamay Madaxweynaha Jabuuti shaqsi taariikhda Afrika meel wanaagsan kaga jira marka loo eego horumarada baaxadda leh ee uu ka fuliyey waddankiisa iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee uu ka hirgeliyey dalkiisa, isla markaana uu mudan yahay in lagu dhiiri geliyo markalena dib loogu doorto xilka Madaxtinimo ee dalkaasi.
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ugu dambayntii sheegay in Puntland ay garab taagan tahay Jabuuti iyo madaxweyneheedaba uuna ilaahay uga baryayo in uu markale ku guuleyo xilkaasi Madaxtinimo.








