Askarigaan oo ka tirsanaa ciidanka difaaca Kenya ayaa isku daldalay hooygiisa oo ku yaalay xaafadda Bukalama ee gobolka Busia ee dalka Kenya.
Xubna ka tirsan qoyska askarigaan is daldalay ayaa sheegay in askarigaan ay dowlada Kenya shaqadii ka fariisisay 12ka bishaan march ee sanadaan wax yar ka dib markii uu kasoo laabtay soomaaliya gaar ahaan gobolka Gaddo oo uu joogay.
oash Ochieng Magar, oo 52 sano jir ahaa ayaa la sheegay in ay heeysay dhibaato dhanka maskaxda ah oo uu ka qaaday weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen 15-ka bishii January ee sanadaan 2015, weerarkaasi oo uu ku jiray tira askar ah oo kasoo badbaaday.
Alshabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ceel cadde ay ku dileen 100 askari oo Kenyan ahaa .
Booliska Kenya ayaa gobolka Busia ka bilaabay baaritaano ay ku xaqiiijinayaan waxa keenay in askarigani uu is daldalo.

