Mucaaradka Syria oo Soo Riday Diyaarad Dagaal oo Ciidanka Syria ay Lahaayeen.

0

Kooxaha mucaaradka dalka Syria ayaa toogtay diyaarad nuuceedu tahay kuwa dagaalka oo ciidanka Syria ay la haayeen.

Diyaarada ayaa ku soo dhacday dhanka galbeed gaar ahaan goobaha ay dowlada Syria ay gacanta ku heyso.

Saraakiil militariga dowlada Syria ka tirsan ayaa wakaalada wararka ee dalka Britain ee reuters u sheegay in diyaarada dagaal lagu soo riday gobolka homas xili ay mareysay halkaasi oo uu maamulyo mucaaradka hubeysan ee dowlada Syria, kasoo horjeeda, waxaana ay intaasi saraakiisha ku dareen in tani ay cuuryaamin doonto xabad joojintii ay wada saxiixeen dhanacyada Syria bilowgii bishaan.

Dhanka kale Masuuliyada diyaaradaan laga soo riday ciidanka ayaa waxaa sheegtay kooxda mucaaradka ee  jaish al-Nasr oo goobta diyaarada lagu tooktay maamusha.

Ilaa iyo hada lama cadeen cida ku dhimatay diyaarada laga soo riday ciidanka Syria.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here