Ciidamo kenyaan ah oo la Geeyay jaziirada Laamu ee Dalka Kenya

0

Dadka Deegaanka jaziirada laamu ee Dalka Kenya ayaa sheegay in ay arkeen Ciidamo fara badan oo dalkaasi u dhashay kuwaa oo Howlgalo ka wada jaziiraddaasi.

Dadka ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in ciidamadaani ay u sheegeen in ay adkeynayaan xaaladda Amaanka ee dalkaasi gaar ahaan jaziiradda laamu oo ay sheegeen in ay ka baqdin qabaan in Al-Shabaab weeraro ka fuliyaan.

Ciidamadaani la geeyey jaziiradda laamu ee Dalka Kenya ayaa la sheegayaa in ay yihiin militariga dalkaasi iyagoona aad u hubeysan misane wata gawaaridda dagaalka sida dabaabaadka dagaalka.

Ciidamada Kenya ayaa wada Howlgalo ay ku sheegeen in ay ku baadi goobayaan dagaal yahano Katirsan Al-Shabaab kuwaa oo ay sheegeen in ay kasoo talaabaan Deegaanada u dhaxeeya ama u dhaw dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada kenya ayaa dhawaan sheegtay  in jaziiradda laamu ay kamid tahay goobo marar badan Xarakada Al-Shabaab ay weeraro ka geysteen hase yeeshee wixii xiligaani ka dambeeya aysan udul qaadan doonin weeraro kale oo ka dhacay jaziiraddaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here