Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Booliska oo La Dhaawacay

0

habeenkii xalay ahaa waxaa degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu Dhaawacay sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska  dowlada soomaliya.

Kooxda hubeysan ee weerartay sarkaalka ayaa la sheegay in sarkaalka  ka tirsan ciidamada booliska dowlada soomaliya ay dhowr xabadood madaxa ugu dhufteen.

Dad ku suganaa goobta oo falkaan ka dhacay ee safaaradii hore ee mareykanka  uu ku lahaa degmada shangaani ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kooxaha hubeysna isla markiiba ay goobta ka baxsadeen.

Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo goobta gaaray ayaa sameeyay baaritaano xoogan si gacanta loogu soo dhigo raga la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka sarkaalka ka tirsanaa ciidamada booliska dowlada soomaliya.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here