habeenkii xalay ahaa waxaa degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu Dhaawacay sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska dowlada soomaliya.
Kooxda hubeysan ee weerartay sarkaalka ayaa la sheegay in sarkaalka ka tirsan ciidamada booliska dowlada soomaliya ay dhowr xabadood madaxa ugu dhufteen.
Dad ku suganaa goobta oo falkaan ka dhacay ee safaaradii hore ee mareykanka uu ku lahaa degmada shangaani ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kooxaha hubeysna isla markiiba ay goobta ka baxsadeen.
Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo goobta gaaray ayaa sameeyay baaritaano xoogan si gacanta loogu soo dhigo raga la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka sarkaalka ka tirsanaa ciidamada booliska dowlada soomaliya.

