Weeraryahanka kooxda Juventus Paulo Dybala ayaa aaminsan in kooxda Juventus ay kusoo laabatay waayihii guulaha kadib markii ay xalay guuleysatay kulankii 19-aad oo xiriir ah.
Kooxda Hogaaminaysa horyaalka dalka Talyaaniga ayaa habeenkii xalay ahaa guuleysatay kulankii 19-aad taasi oo ka dhigan in 6-dhibic ay kasareyso kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Napoli.
Kooxda Juventus ayaa sidoo kale iska xaadisay Finalka Coppa Italia si lamid Champions League. Ay barbaro 2:2 ah ay la gashay kooxda horyaalka dalka Germany ee Beyer Munich lugta Hore ee champions League.
Paulo Dybala oo xalay dhaliyay goolkii ay kaga adkaadeen kooxda Sassuolo ayaa sheegay in joogo xiligii ay kooxda bandhig wanaagsan ka sameyn laheyd horyaalada qaarada Yurub.

