Carlo Ancelotti ayaa aaminsan in ay tahay wax aad u adag in la joojiyo weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi haduu yahay mid taam ah uusan dhaawac qabin.
Xidiga Lionel Messi ayaa dhawaan ku guuleystay markii 5-aad Ballon d’Or isagoona ku garaacay weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo xili ciyaareedkaan Messi waxa uu dhaliyay 35-goal waana mid dhigaya Recordyo cusub.
Macalinkii Hore ee kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ku tilmaamay Lionel Messi midka ugu wanaagsan dunida ayna adag tahay on la joojiyo markuu kaa hor yimaado.

