Dowlada Soomaliya ayaa sheegtay in lasii kordhin doono weerarada lagu qaadayo goobaha ay ku sugan Yihiin ciidamada xarakada al-shabaab.
Wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaliya Maxamed Cabdi xayir Maareeye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iyadoo la kaashanaya dowladaha saaxibka la ah soomaliya in lasii kordhin doono weerarada dhanka cirka ee lagu qaadayo goobaha ay ku sugan yihiin xarakada al-shabaab.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tilmaamay in weeraradii ugu dambeeyay ay diyaaradaha mareykanka ka fuliyeen goobo ay ku sugnaayeen al-shabaab in lagu dilay hogaamiyaal iyo askar tababar la siinayay taasina ay dhabar jab ku tahay Xarakada al-shabaab.
“Ciidamada dowladda oo kaashanaya dowladaha aan saaxiibka nahay, waxa ay jab xoogan u geysteen argagixisada Al-Shabaab, wayna sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana shacabka ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan ciidamada amniga.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Bishaan Maarso Gudaheeda diyaaradaha dowlada Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday saldhigyo ay al-shabaab ku lahaayeen Gobolada Shabeelaha hoose iyo Hiiraan kuwaasi oo la sheegay in qasaaro uu kasoo gaaray dhanka al-shabaab.

