Al-shabaab oo Xukun Dil ah ku Fuliyay Ruux ay ku eedeeyeen inuu ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in maamulka Al Shabaab ee deegaankaas in xukun dil ah ay ku fuliyeen ruux ay ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa ciidamada Dowladda Somaliya.

Boqolaal dadweyna  ah ayaa la isugu yeeray si ay u daawadaan qaabkuu  u dhacayay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay ruuxaasi dhalinyarada ah ee la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya.

Qaadiga Maxkamada al-shabaab ee deegaanka tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Mukhtaar Maxamed Shatari inuu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda, lagana soo qabtay Deegaanka Golweyn. Kadib howlgalka ay sameeyeen al-shabaab.

Maamulka al-shabaab ee deegaanka Tooratoorow waxa uu sheegay in Mukhtaar uu ciidamada Dowladda ee deegaanka Buulo mareer ku sugan uu u geyn jiray Raashinka iyo Boonooyinka canshuurta, sidaasi awgeedna maxkamada ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Goobaha ay ku sugan al-shabaab waxaa ka dhaca falalka noocaan oo kale ah ee lagu fuliyo dadka lagu eedeeyo in ay ka tirsan yihiin dowlada  iyadoo haatan aysan jirin cadeymo muujinaayo in mukhtar uu ka tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here