Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Maanta dowlada soomaliya ku wareejisay doonyo dheereeya oo loogu talagalay in ciidanka badda soomaliya ay ku howlgalaan.
Xaflada wareejin doonyaha ayaa ka dhacday magaalada muqdisho waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga gudaha dowlada Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay
Ugu Horeyn Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cusmaan oo goobta ka Hadlay ayaa sheegay in shacabka iyo dowlada imaaraadka carabta ay garan taagan Yihiin dowlada soomaliya
Sidoo kale Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in qalabka ay dowlada soomaliya ay ku wareejiyeen loogu Talagalay in lagu qalabeeyo ciidamada Badda soomaliya
Dhanka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo goobta ka Hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu mahadcelinayaan dowlada Imaaraadka carabta Garab is-taagida dowlada soomaliya
Ugu Dambeyntii waxaa Goobta ka Hadlay Wasiirka amniga gudaha dowlada Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed isagoona sheegay in deeqda Maanta Ugu Timid dowlada Imaraadka Carabta aysan ku Filneen ciidamada badda soomaliya laakin ay qalabyo kale ka sugayaan dowlada Imaraadka Carabka

