Dowlada Imaaraadka Carabta oo Maanta Ciidamada Badda Soomaliya ugu Deeqday Doonyo dheereeya

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Maanta dowlada soomaliya ku wareejisay doonyo dheereeya oo loogu talagalay in ciidanka badda soomaliya  ay ku howlgalaan.

Xaflada wareejin doonyaha ayaa ka dhacday magaalada muqdisho waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga gudaha  dowlada Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay

Ugu Horeyn Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cusmaan oo goobta ka Hadlay ayaa sheegay in shacabka iyo dowlada imaaraadka carabta ay garan taagan Yihiin dowlada soomaliya

Sidoo kale Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in qalabka ay dowlada soomaliya ay ku wareejiyeen loogu Talagalay in lagu qalabeeyo ciidamada Badda soomaliya

Dhanka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo goobta ka Hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu mahadcelinayaan dowlada Imaaraadka carabta Garab is-taagida dowlada soomaliya

Ugu Dambeyntii  waxaa Goobta ka Hadlay Wasiirka amniga gudaha  dowlada Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed isagoona sheegay in deeqda Maanta Ugu Timid dowlada Imaraadka Carabta aysan ku Filneen ciidamada badda soomaliya laakin ay qalabyo kale ka sugayaan dowlada Imaraadka Carabka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here