Hay-ada Qaramada midoobe ee FAO oo Sheegtay in ay Soomaaliya ka jirto weli Cuna yari aad u xun.

0

Hay-ada cunada iyo beeraha Qaramada midoobe  ee loosoo gaabiyo FAO ayaa sheegtay in dalal ay soomaaliya ka mid tahay cuna yari aad u liidato ay ka jirto.

FAO ayaa sheegtay in  34 wadan oo ay ku jiraan 27 wadan oo african ah dalka soomaaliyana uu ka mid tahay hadii aan lala gaarin cuno ku filan ay halis ugu jiraan in dad badani oo ku nool ay ugu geeriyoodaan cuna yaridaasi owgeed.

Daabayaaqadii bishii december ee sanadkii hore ayaa FAO ay sheegtay in wax badan ay iska badaleen heerka cunada ay taagneed dalalkaasi.

Roobabkii El Nino ee k  dhuftay dalalka kuyaala bariga, koonfurta iyo waqooyiga qaarada afrika ayaa ay hay-adu sheegtay in ay kaga sii dartay heerka liita ee cuna yarida dunida.

Dalalka ay hay-adu sheegtay in ay ka jirto cuna yarida aadka u xun ayaa waxaa ka mid ah  Somalia, Iraq, Syrian, Yemen,  Central African Republic , Morocco ,Algeria iyo dalal kale.

Soomaaliya ayaa hay-adu ay sheegtay in ay wali ka jirto cuna yari baahsan oo aad u liidata iyadoona sidoo kale sheegtay in kumanaan ruux oo dagan caasimada iyo gobolada dalka ay wali heysato xaalad macluul ah oo u baahan in si dag dag ah loola gaaro gargaar bini aadan nimo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here