Dowlada mareykanka oo tababar u furtay saraakiil ka tirsan ciidamada Amisom.

0

Ilaa iyo 30 saraakiil oo ka socda howl-galka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM ayaa koorso tababar ah looga furay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Tababarkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay waaxda militriga mareykanka ee afrika qaabilsan oo bixineysa cashirada lagu qaadanayo koorsadaan military.

Saraakiisha loo furay tababarka ayaa waxaa ay ka socdaan dalalka Kenya, Uganda, Burundi Ethiopia iyo dalka Djabuuti oo dhamaantood qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom kana socda soomaaliya.

John Dahms oo ah Ku xigeenka mareykanka ee qeybtiisa howl-galada qaabilsan ee AFRICOM ayaa sheegay in u jeedka loo furay tababarkaan uu yahay in lagu bixiyo cashiro ka turjumayo la dagaalanka Argagaxisada iyo la dhaqanka ciidanka Amisom iyo dadka Shacabka.

Ugu dambeen koorsadaan loo furay 30 –ka sargaal ee ka socda amisom ayaa lagu wadaa in ay ka sii socoto magaalada Nairobi muddo dhan 5 isbuuc.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here