Dowlada Kenya:-Alshabaab waxaa ay naga Dileen in ka badan 900 oo ruux.

0

Xarunta tira koobka argagaxisada ee Kenya oo loo yaqaan National Counter Terrorism Centre ayaa soo ban dhigtay 16-kii sano tirade kenyanka ah ee lagu dilay weeraro argagaxiso.

Agaasimaha waaxda tirakoobka argagaxisada qaranka Kenya Martin Kimani ayaa sheegay in 16-kii sano ee lasoo dhaafay looga dilay Kenya weeraro argagaxiso oo ay Alshabaab fuliyeen badankood 900 oo ruux oo kenyaan ah.

Agaasimaha ayaa sheegay in alshabaab ay Kenya gudaheeda iyo gudaha soomaaliya ciidanka ka jooga ay Kenya uga dileen askar iyo dad rayad ah oo aan waxba galabsan sida uu sheegay agaasimaha waaxda tirakoobka argagaxisada ee Kenya, waxaana weerarada ugu badan ay alshabaab qaadeen sida waxda ay sheegtay intii u dhaxeysay sanadihii 2013 iyo 2014.

In ka badan 6,200 ayaa sidoo kale weeraradaasi ay alshabaab qaadeen ku dhaawacmay

Alshabaab ayaa kordhiyey weerarada ay Kenya u geestaan tan iyo sanadkii 2011kii markaasi oo ciidanka Kenya ay ka mid noqdeen howl galka Amisom ee soomaaliya ka socda.

700 oo dagaalyahano Kenyan ah ayaa dowlada Kenya ay sheegtay in ay soomaaliya dib uga soo laabteen iyagoona ku soo noqday dalka Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here